In laysugu gargaaro khayrka
By admin | October 20, 2008
Topics: Muxaadaro | No Comments »
Axkaamta Soonka
By admin | August 4, 2008
(يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آَمَنُوا كُتِبَ عَلَيْكُمُ الصِّيَامُ كَمَا كُتِبَ عَلَى الَّذِينَ مِنْ قَبْلِكُمْ لَعَلَكُمْ تَتَقُونَ (183)
أَيَّامًا مَعْدُودَاتٍ فَمَنْ كَانَ مِنْكُمْ مَرِيضًا أَوْ عَلَى سَفَرٍ فَعِدَّةٌ مِنْ أَيَّامٍ أُخَرَ وَعَلَى الَّذِينَ يُطِيقُونَهُ فِدْيَةٌ طَعَامُ مِسْكِينٍ فَمَنْ تَطَوَّعَ خَيْرًا فَهُوَ خَيْرٌ لَهُ وَأَنْ تَصُومُوا خَيْرٌ لَكُمْ إِنْ كُنْتُمْ تَعْلَمُونَ (184) ) البقرة
Kuwa xaqa rumeeyow waxaa laydinku waajibiyay Soonka sidii loogu wajibiyay kuwii idinka horeeyey si aad u dhawrsataan. .waa maalmo tirsan ee ruuxii idinka mid ah oo buka ama safar ah waxaa korkiisa ah ayaamo kale(soonkooda)kuwa aan awoodin waxay bixin <quudin> miskiin, ruuxii badsada(khayrkana) saasaa u fiican, inaad soontaan ayaa idiin khayrbadan hadaad tihiin kuwo wax og.
Topics: Maqaallo | 2 Comments »
Dhibaatooyinka Qiyaamaha
By admin | July 30, 2008
Topics: Muxaadaro | No Comments »
Fadliga Qur’aanka
By admin | July 3, 2008
Topics: Muxaadaro | No Comments »
Khamro & Mukhadiraad
By admin | July 3, 2008
Topics: Muxaadaro | No Comments »
Fadliga Ramadaanka
By admin | June 30, 2008
Topics: Muxaadaro | No Comments »
CABDULLAAHI BINU MASCUUD
By admin | June 17, 2008
Kulankii ugu horeeyay ee uu Cabdullaahi Ibnu Mascuud la kulmay Rasuulka (scw)
Wiilkii dhalinyarada ahaa wuxuu ahaa mid aanan qaan gaarin maalintaas. Wuxuu magaallada Makka golaheeda ku foofinayay xoolo, weliba isagoo dadka ka fog. Wuxuu kaxeenayay xeen arri ah oo uu daajinayay, waxaana arrigaas lahaa ninkii la oran jiray Cuqbata Binu Abii Mucaydh. Dadka waxay ugu yeeri jireen ”ina ummi Cabdi”, hase ahaatee magaciisa waxaa la yiraahdaa Cabdullaahi, aabihiisna Mascuud.
Topics: Siirada Saxaabada | 1 Comment »
ABUU AYUUB AL-ANSAARI
By admin | June 17, 2008
Saxaabigan sharafta badan ee aan sheekadiisa qaadanayno magaciisa waxaa la yiraahdaa Khaalid Binu Zeyd Binu Kuleyb, wuxuu ka dhashay qabiilka reer Banii Najjaar. Kunyadiisu (carabta qofka ay sharfayso ayaa waxay ugu yeeri jirtay magaca wiilkiisa curadka ah, waana dhaqan carbeed) waa Abuu Ayuub Al-Ansaari oo ah Ayuub aabihiis, waxaana loogu abtiriyaa Ansaarta.
Topics: Siirada Saxaabada | No Comments »
ABUU HUREYRA AL-DOWSI
By admin | June 17, 2008
Akhristow waxaa hubaal ah inaad taqaanid saxaabiga xiddiga ah ee ka mid ahaa asxaabtii Rasuulka (scw). Aynu isweydiinee ma ummadda Islaamka ayaa waxaa ku jira ruux aanan aqoonin Abuu Hureyra?!. Dadku waxay ugu yeeri jireen xilligii Jaahiliga (Islaamka kahor) ”Cabdi Shams”, hase ahaatee markii uu Ilaah ku maamuusay diinta Islaamka, ee uu soo islaamay, kuna sharfay la kulankii Nebiga (scw) ayaa wuxuu Rasuulku weydiiyay su’aashan: ”Magacaa?”. Wuxuu yiri magacygu waa ”Cabdi Shams”. Nebiga (scw) ayaa ku yiri, maya ee waxaa lagu yiraahdaa Cabdiraxmaan. Wuxuu yiri, haye oo magacaygu waa Cabdiraxmaan, aabahay iyo hooyaday ha lagugu furtee Rasuulkii Alloow. Wixii maalintaas ka danbeeyay wuxuu magaciisu ahaa Cabdiraxmaan, aabihiisna Sakhr. Waxay dadka ugu kunyooni jireen Abuu Hureyra, sababta loogu baxshayna waxay ahayd, markii uu yaraa ayaa wuxuu lahaa bisad yar, taasoo uu jeclaan jiray inuu la cayaaro. Wiilashii ay isku da’da ahaayeen ayaa wixii maalintaa ka danbeeyay waxay ugu yeeri jiray ”Abuu Hureyra”, kunyadaas (abuu hureyra) ayuu markii danbe ku caan baxay.
Topics: Siirada Saxaabada | No Comments »
DHALXATA BINU CUBEYDILLAAHI AL-TAYMIYI
By admin | June 17, 2008
Dhalxata Binu Cubeydillaahi Al-taymiyi wuxuu la socday dad socoto ahaa oo ka mid ah qureysh ganacsatadeeda, waxay ku socdeen gobolka Shaam. Markay soo gaareen magaalada Busraa ee hadda ah gobolka Xawran ee dalka Suuriya, waxay odoyaashii reer qureesheed ee ganacsatada ahaa hal-mar ku qamaameen goobihii gacansiga, si ay u iibsadaan bicsharadii ay wadeen, isla markaasna ay u gataan kuwo kale. Inkastoo Dhalxata uu xilligaas ahaa wiil dhalinyaro ah oo aan lahayn khibradda ay leeyihiin odayaashaas qureesheed, haddana wuxuu lahaa caqli badni, fahmo, xeelad iyo karti uu kula tartami karay ganacsatadaas.
Topics: Siirada Saxaabada | No Comments »
« Previous Entries
