Munaafiqiinta

Posted on 05. Mar, 2010 by in Maqaalo

Munaafiqiinta salaadda wey ku adag tahay, waayo Alle dartii uma tukadaan ee dadkey istustusiyaan. Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

(إِنَّ الْمُنَافِقِينَ يُخَادِعُونَ اللَّهَ وَهُوَ خَادِعُهُمْ وَإِذَا قَامُواْ إِلَى الصَّلاَةِ قَامُواْ كُسَالَى يُرَآؤُونَ النَّاسَ وَلاَ يَذْكُرُونَ اللَّهَ إِلاَّ قَلِيلاً)النساء: 142

Munaafiqiintu waxay dhagri Ilaahey  Isna wuxuu ku abaal marin dhagartooda, markay u istaagaan salaaddana waxay u istaagaan iyagoo wahsan oo istusi dadka mana xusaan Ilaahey  wax yar mooyee. Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Ilaahey  korkiisa ha yeelee wuxuu yiri:

(أثْقَلُ الصّلَاةِ عَلَى المُنَافِقِيْنَ صَلَاةُ العِشَاءِ وَصَلَاةُ الفَجْرِ وَلَو يَعْلَمُونَ مَا فِيْهِمَا لَأتَوْهُمَا وَلَوْ حَبْواً) متفق عليه

Salaadda ugu adkaan badan munaafiqiinta dushooda waa salaadda cishaha iyo salaadda fajarka (Subaxa), hadday ogaan lahaayeen kheyrka iyo ajarka ku sugan wey imaan lahaayeen igagoo guurguuran.