Mas’uuliyadda

Posted on 05. Mar, 2010 by in Maqaalo

Qof kastoo muslim ahi waa inuu ku dadaalo diinta iyo salaadda waana inuu faro cidduu ka mas’uul yahay sida xaaska iyo caruurta. Nabi Ismaaciil nabad gelyo korkiisa ha ahaatee wuxuu ahaa mid ehelkiisa fara salaadda iyo kheyrka Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

(وَكَانَ يَأمُرُ أهْلَهُ بِالصَلَاةِ وَالزَكَاةِ وَكَانَ عِنْدَ رَبِهِ مَرْضِياً) مريم:55

Nabi Ismaaciil wuxuu ahaa mid fara ehelkiisa salaadda iyo sakada, wuxuuna ahaa mid Eebe agtiisa lagaga raali yahay.

Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Ilaahey  korkiisa ha yeelee wuxuu amaanay ninka iyo xaaskiisa markay salaadda isugu gargaaraan, wuxuuna ku boorriyey waalidka inay caruurta salaadda baraan kuna tarbiyeeyaan, waayo aabaha iyo hooyaduba waa mas’uul. Nabiga naxariis iyo nabad gelyo  Ilaahey  korkiisa ka yeelee wuxuu yiri:

(كُلُكُمْ رَاعٍ ٍوَكُلُكُمْ مَسْؤُوْلٌ عَنْ رَعِيّتِهِ, الإمَامُ رَاعٍ ٍوَمَسْؤُوْل ٌعَنْ رَعيّتِهِ  وَالرّجُلُ رَاعٍ ٍفِيْ أَهْلِهِ وَمَسْؤُوْل ٌعَنْ رَعِيّتهِ, وَالمَرْأةُ رَاعِيةٌ ٌفِيْ بَيْتِ زَوْجِهَا وَمَسْؤُوْلَةٌ ٌعَنْ رَعيّتِهَا وَالخَادِمُ رَاعٍ ٍفِيْ مَالِ سَيِدِهِ وَمَسْؤُوْل ٌعَنْ رَعيّتِهِ وَكُلُكُمْ رَاعٍ ٍوَمَسْؤُوْلٌ عَنْ رَعيّتِهِ) متفق عليه

Dhammaantiin waxaad mas’uul ka tihiin wixii laydin raaciyay. Imaamka (Xaakimka) muslimiinta waa mas’uul waxaana la weydiin aakharada wixii la raaciyay. Ninka wuxuu mas’uul ka yahay ehelkiisa waana la weydiin. Haweentuna waxay mas’uul ka tahay guriga ninkeeda waana la weydiin. Midka shaqaalaha ah wuxuu mas’uul ka yahay xoolaha sayidkiisa waana la weydiin mas’uuliyadaas qiyaamada. Sidaas awgeed waa in qofka muslimka ahi uu dareemo mas’uuliyadaas, Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

(يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا قُوا أَنفُسَكُمْ وَأَهْلِيكُمْ نَارًا وَقُودُهَا النَّاسُ وَالْحِجَارَةُ عَلَيْهَا مَلائِكَةٌ غِلاظٌ شِدَادٌ لا يَعْصُونَ اللَّهَ مَا أَمَرَهُمْ وَيَفْعَلُونَ مَا يُؤْمَرُونَ)التحريم:6

Kuwa xaqa rumeeyow ka dhawra naftiina iyo ehelkiinaba naar lagu shido dad iyo dhaqax, taasoy ka shaqeeyaan malaa’ig adadag oo daran oo Ilaahey  marnaba  ku caasineyn wuxuu farana fuliya.

Alle kor ahaaye wuxuu amray Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Ilaahey  korkiisa ha yeelee inuu ehelkiisa faro salaadda iyo inuu ku samro wuxuuna yiri:

(وأمُرْ أهْلكَ بِالصَلَاةِ واصْطَبِرْ عَليها) طه: 132

Far nabiyow ehelkaaga salaadda kuna samir. Alle kor ahaaaye wuxuu kaloo yiri:

(وَاسْتَعِينُواْ بِالصَّبْرِ وَالصَّلاَةِ وَإِنَّهَا لَكَبِيرَةٌ إِلاَّ عَلَى الْخَاشِعِينَ * الَّذِينَ يَظُنُّونَ أَنَّهُم مُّلاَقُو رَبِّهِمْ وَأَنَّهُمْ إِلَيْهِ رَاجِعُونَ ) البقرة:45-46

Kaalmaysta samirka iyo salaadda weyna ku adag tahay salaadda dadka kuwa Alle u khushuuca mooyee, kuwasoo rumeysan inay la kulmi Eebahood xagiisana loo celin.