Islaamku waa maxay?

Posted on 05. Mar, 2010 by in Maqaalo

Islaamka waa diinta uu Ilaahey kor ahaaye ku soo dejiyey Nabi Muxammad saw. Diintu waxay qof walba oo caqli leh qaan gaadhna ah faraysaa inuu rumeeyo Ilaaheygii abuuray caabudona  shareecaddiisana raaco. Markuu qofka caabudo Ilaahey oo keliya ammarkiisana adeeco qofkaasi wuxuu aduunyada ku noolaan nolol wanaagsan aakhiradana waxaa lagu abaal mariyaa Janno Ilaahey kor ahaaye wauxuu yiri:

(مَنْ عَمِلَ صَالِحًا مِنْ ذَكَرٍ أَوْ أُنْثَى وَهُوَ مُؤْمِنٌ فَلَنُحْيِيَنَّهُ حَيَاةً طَيِّبَةً وَلَنَجْزِيَنَّهُمْ أَجْرَهُمْ بِأَحْسَنِ مَا كَانُوا يَعْمَلُونَ)النحل: 97

Qofkii camal fiican fala oo rag ah ama haween isagoo qofkaasi uu mu’min yahay waxaan ku nooleynaa adduunka nolol wanaagsan, waxaanan ku abaalmarinaa aakhirada ajarkoodi wax uga wanaagsan.

Islaamku waa diinta keliya oo xaqa ah Ilaaheyna kor ahaayee ka raali yahay, waayo waxa jira manta diimo aad u tiro badan laakiin dadku ay iska sameesteen kuwaasoo ku salaysan inay Alle u shariig yeelaan oo Makhluuqiisa ay Ilaahnimada la wadaajiyaan cid kale sida kuwa caabuda: Lo’da ee loo yaqaan Hinduuska iyo kuwa caabuda sanamyada sida: Buudiistaha iwm.

Yahuudda iyo kirishtaanku waxay bedeleen kutubtii Alle ku soo dejiyey Nabi Muuse iyo Nabi Ciise nabad gelyo dushooda ha ahaatee, Nabi Muuse waxaa lagu soo dejiyey kitaabka layiraahdo:Al-towraad, nabi Ciise waxaa lagu soo dejiyey kitaabka la yiraahdo:Injiil. Yuhuud iyo Nasaaraa kutubtiina wey bedeleen Allena wey u shariig yeeleen,Ilaahey kor ahaaye wuxuu yiri:

(وَقَالَتِ الْيَهُودُ عُزَيْرٌ ابْنُ اللَّهِ وَقَالَتِ النَّصَارَى الْمَسِيحُ ابْنُ اللَّهِ ذَلِكَ قَوْلُهُمْ بِأَفْوَاهِهِمْ يُضَاهِئُونَ قَوْلَ الَّذِينَ كَفَرُوا مِنْ قَبْلُ قَاتَلَهُمُ اللَّهُ أَنَّى يُؤْفَكُونَ)التوبة:30

Yuhuud waxay dhaheen:Cuzeyr waa wiilkii Ilaahey,Nasaarana (Kirshtaanka) iyana waxay dhaheen:Masiix (Ciise) waa wiilkii Ilaahey, kaasina waa hadalkoodi ay afka ka dhaheen waxay u egyihiin (shabahaan) kuwii horey u gaaloobay hadalkoodii Ilaahey ha lacnadee (oo ha laayee) xaggee xaqa looga leexin. Islaamku waa diinta keliya oo xaqa ah Ilaaheyna kor ahaaye ka raali yahay waxaana arrinkaa u daliil ah in Ilaahey kor ahaaye yiri:

(الْيَوْمَ أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ وَأَتْمَمْتُ عَلَيْكُمْ نِعْمَتِي وَرَضِيتُ لَكُمُ الْإِسْلَامَ دِينًا)المائدة:3

Maanta ayaan idiin kaamil yeelnay(dhammaystirnay) diintiina, waxaanan dushiina ku taam yeelay nicmadayda, waxaanan idiinka raali noqday Islaamka diin ahaan. Haddaba ciddii diin aan Islaamka aheen diin ka yeelata waa kuwo baadiyoobay Ilaahey kor ahaaye wuxuu yiri:

(وَمَنْ يَبْتَغِ غَيْرَ الْإِسْلَامِ دِينًا فَلَنْ يُقْبَلَ مِنْهُ وَهُوَ فِي الْآخِرَةِ مِنَ الْخَاسِرِينَ) آل عمران: (85)

Qofkii doona diin aan Islaamka ahayn (diin ka yeesha) laga aqbali maayo aakhirona wuxuu ka mid noqon kuwa khasaaray. Islaamku waa diinta keliya oo uu qofku ku badbaadi karo adduun iyo aakhiroba, qofkiise aan Islaamka ka diin yeelan waa qof khasaaray adduun iyo akhiroba Abu Hureyre Allaha ka raali noqdee wuxuu yiri: Rasuulka Alle saw wuxuu yiri:

(والَّذِي نَفْسِي بِيَدِهِ، لا يَسْمَعُ بِي أحَدٌ مِنْ هَذِهِ الأمَّةِ يَهُوديّ وَلا نَصْرَانِي، ومَاتَ وَلمَ يُؤْمِنْ بِالَّذِي أرْسلتُ بِهِ، إلا كان مِنْ أَهْلِ النَّارِ) رواه مسلم

Waxaan ku dhaartay Allaha ay naftaydu gacantiisa gudaheeda ahaatay ima maqlo qof ka mid ah ummaddaan Yahuudi ama Nasraani oo markaa ka dib geeriyooda isagoon i rummeyn, qofkaasi wuxuu ahaadaa mid ka mid ah ahlu naar. Sidaas awgeed waxaa laga dooni qof kasta oo caqli leh inuu Ilaahey iyo Rasuulkiisa rummeeyo ammarkoodana raaco Ilaahey kor ahaaye wuxuu yiri:

(وَمَنْ يُسْلِمْ وَجْهَهُ إِلَى اللَّهِ وَهُوَ مُحْسِنٌ فَقَدِ اسْتَمْسَكَ بِالْعُرْوَةِ الْوُثْقَى وَإِلَى اللَّهِ عَاقِبَةُ الْأُمُورِ) لقمان:22

Qofkii u jeediya wejigiisa xagga Alle oo ammarkiisa raaca isagoo samo fali, qofkaasi wuxuu qabsaday mareeg adag oon go’ayn, Ilaahey xaggiiseyna ahaatay cirib dambeedkooda.

Islaamku waa diinta ka haqab tireysa baahida dhammaan dadka ku nool adduunka wax kasta oo ay u baahan yihiin oo noloshooda ku habboon sida; caqiidada, cibaadada, nidaamka bulshada, siyaasadda, cilmiga, dhaqaalaha, akhlaaqda iyo sharcigii ay ku dhaqmi lahaayeen haddii ay qaataan kitaabka iyo sunnada, sidaas awgeed Islaamku waa diin ka turjumaysa naxariista Ilaahey nagu galladeystay Allaahu Subxaanahu Watacaalaa wuxuu yiri:

( وَمَا أَرْسَلْنَاكَ إِلَّا رَحْمَةً لِلْعَالَمِينَ) الانبياء (107)

Nabiyow kumana eynaan dirin inaad raxmad u tahay caalamkoo idil mooyee. Ammarada Alle kor ahaaye dhammaantood waxay ku dhisan yihiin maslaxad taasoo eeyan dadka ku gaari Karin caqligooda iyo cilmigoodaba Ilaahey kor ahaaye wuxuu yiri:

(وَعَسَى أَنْ تَكْرَهُوا شَيْئًا وَهُوَ خَيْرٌ لَكُمْ وَعَسَى أَنْ تُحِبُّوا شَيْئًا وَهُوَ شَرٌّ لَكُمْ وَاللَّهُ يَعْلَمُ وَأَنْتُمْ لَا تَعْلَمُونَ) البقرة (216)

Waxaa laga yaabaa inaad nacdaan wax khayr idiin ah, waxaana laga yaabaa inaad jeclaataan wax shar idiin ah Ilaahey keligiibaa wax og idinkuse wax ma ogidin. Islaamka wuxuu inafaray oo idil waa kheyr waana wax maslaxad adduun iyo mid aakhiroba  inoo ah, wixiise Islaamku reebay dhammaantood waa shar maslaxad adduun iyo mid aakhirona inooguma jirto, sidaas awgeed qofkii aanan raacin manhajka Islaamka waa qof baadiyoobay adduun iyo aakhirona khasaaray Ilaahey kor ahaaye wuxuu yiri:

(فَاعْبُدُوا مَا شِئْتُم مِّن دُونِهِ قُلْ إِنَّ الْخَاسِرِينَ الَّذِينَ خَسِرُوا أَنفُسَهُمْ وَأَهْلِيهِمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ أَلا ذَلِكَ هُوَ الْخُسْرَانُ الْمُبِينُ) الزمر (15)

Gaaloy waxaad rabtaan caabuda Alle ka sokow, waxaad ku dhahdaa Nabiyow kuwa khasaaray waa kuwa naftooda iyo ehelkooda khasaaray qiyaamada, taasaana ah khasaare cad.