Dadaalka salafka

Posted on 05. Mar, 2010 by in Maqaalo

Qalbiga hadduu ku xiran yahay Alle waxaan shaki lahayn inuu jeclaanayo salaadda, sidaa awgeed ayuu nabiga naariis iyo nabad gelyo Ilaahey   korkiisa ha yeelee wuxuu ahaa mid jecel salaadda, Anas wuxuu ka wariyey nabiga naxariis iyo nabad gelyo Ilaahey  korkiisa ha yeelee inuu yiri:

(حُبِبَ إليّ الطيبُ وَالنِسَاءُ وَجُعِلَتْ قُرةُ عَينِي فِي الصَلاةِ) النسائي وأحمد

Waxaa layjeclaysiiyey catarka udgoon, iyo guurka haweenka, waxaana laga yeelay salaadda miday ishaydu ku qabowsato oy ku raaxaysato. Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Ilaahey  korkiisa ha yeelee wuxuu oran jiray:

(يا بِلَالُ أرِحْنَا بِالصَلاةِ) أحمد

Bilaalow noogu raaxey salaadda. Waayo bilaal wuxuu ahaa mu’adinka Nabiga wuuna cod wanaagsanaa. Salaadda waajibka ah ka sokowna wuxuu nabiga naxariis iyo nabad gelyo Ilaahey korkiisa ha yeelee ahaa mid tukada salaadaha sunanta ah sida salaatul-leylka, Caa’isha Allaha ka raali noqdee waxay tiri:

(كَانَ النَبِيُ صَلَى الَلهُ عَلِيْهِ وَسَلَمَ يَقُوْمُ مِنَ اللّيْلِ حَتَى تَتَفَطَرُ قَدَمَاهُ. فَقُلتُ لَهُ: لِمَ تَصْنَعُ هَذَا وَقَدْ غُفِرَ لَكَ مَا تَقَدَمَ مِنْ ذَنْبِكَ وَمَا تَأخَرَ؟ قَالَ: أفَلَا أكُوْنُ عَبْدًا شَكُوْرًا) متفق عليه

Nabiga naxariis iyo nabadgelyo Ilaahey korkiisa ha yeelee wuxuu ahaa mid u istaaga salaatul leyl ilaa ay cagauhu ka dildillaacaan. Waxaan ku iri maxaad sidaa u samayn Rasuulkii Allow adigoo laguu dhaafay dambigaagii mid hore iyo mid dambeba? Markaasuu yiri: Haddaba miyaanan noqoneyn addoon Alle ku mahadiya oo ku shukriya. Alle kor ahaaye wuxuu amaanay mu’miniinta Alle ka cabsatay habeenkoodana in badan cibaadeysata, Allena dambidhaaf weydiisata, Alle wuxuu yiri:

(كَانُوا قَلِيلًا مِنَ اللّيْلِ مَا يَهجَعُونَ* وَبِالأسْحَارِ هُم يَسْتَغْفِرُونَ) الذاريات: 17ـ 18

Waxay ahaayeen kuwo wax yar habeenkii seexda inta kalena cibaadeysta, waaberigana dambidhaaf Alle weydiista. Salafku waxay ahaayeen kuwo ku dadaala salaadda had iyo jeer tusaale:

Waxay ahaayeen rag hadday salaadda jamaca ka tagto isugu tacsiyeeya.

Waxay ahaayeen rag hadday jirran yihiin iyagoo garbaha la hayo masaajidka la keeno seeyan u dhaafin salaadda jamaca.

Waxay ahaayeen kuwo ku tartama safka hore.

Waxay ahaayeen rag camal kasta salaadda ka jecel. Sidaa awgeed Ilaahay kor ahaaye kitaabkiisuu ku amaanay wuxuuna yiri:

فِي بُيُوتٍ أَذِنَ اللَّهُ أَن تُرْفَعَ وَيُذْكَرَ فِيهَا اسْمُهُ يُسَبِّحُ لَهُ فِيهَا بِالْغُدُوِّ وَالآصَالِ *رِجَالٌ لاَّ تُلْهِيهِمْ تِجَارَةٌ وَلا بَيْعٌ عَن ذِكْرِ اللَّهِ وَإِقَامِ الصَّلاةِ وَإِيتَاء الزَّكَاةِ يَخَافُونَ يَوْمًا تَتَقَلَّبُ فِيهِ الْقُلُوبُ وَالأَبْصَارُ) النور:36-37

Masaajidda waa guryo Ilaahey idmay in la kor yeelo laguna xusa dhexdeeda magaciisa, waxaana ugu tasbiixsada dhexdeeda  aroor iyo galabba Rag ayna ka shuqlinayn ganacsi iyo gadasho xuska Ilaahey iyo oogidda salaadda iyo bixinta sakada iyagoo ka cabsan maalinay quluubta iyo araggaba gadgaddo-omayaan (Qiyaamaha).

Sidaa awgeed salaadda, sakada, xajka, soonka, iyo dhamaan qeybaha diinta Islaaamkuba waxay u baahan yihiin Rag naftooda iyo maalkooda iyo waqtigooda u hura sida salafka ummaddaan.