Bidcada Mowliidka

Posted on 05. Mar, 2010 by in Maqaalo

Mahad oo idil Ilaahey baa leh, nabad iyo naxariisina Rasuulka dushiisa Allaha yeelo intaas ka dib:

Walaalaha muslimiinta ah waxaan uga digeynaa fal kasta oo bidco ah, taasoo aan daliil ku laheen Qur’aanka kariimka ah  iyo Sunnada Nabiga saw maxaa yeelay diinteenu waa kaamil waxna laguma kordhin karo waxna lagama dhimi karo Allaahu subxaanahu watacaalaa wuxuu yiri:

{ الْيَوْمَ أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ وَأَتْمَمْتُ عَلَيْكُمْ نِعْمَتِي وَرَضِيتُ لَكُمُ الْأِسْلامَ دِيناً }المائدة:3

Maanta ayaan idiin kaamil yeelay diintiinna (Islaamka) dushiinana waxaan ku taamyeelay nicmadeyda, waxaana idiinka raalli noqday Islaamka diin ahaan. Haddaba qofka ku dhaca shay bidco ah oon daliil laheen ama Qur’aan ama xadiith waa qof diinta ku soo kordhiyey wax aan ka mid aheen Nabiga saw wuxuu yiri:

{ من أحدث في أمرنا هذا ما ليس منه فهو رد }

Qofkii diinteenna ku soo derriya (ku soo dara) wax aan ka mid aheen waa lagu celin. Diinta waxna laguma dari karo waxna lagama dhimmi karo. Waxaan ummadda uga digeynaa waxaabaha bidcooyinka ah sida: Xafladaha Mowliidka taasoo ah bidco ka fog Kitaabka Alle iyo sunnada Nabiga saw waayo waxay soo baxday qarnigii toddobaad ee hijriyada waxaana bilaabay nin la oran jiray: Kokabri Abu Saciid Al-turkumani ka dibna caalamka ayey ku faaftay. Nabiga saw ma sameen oo Saxabadiisa Allaha ka raali noqdee ma sameen oo Taabiciintii iyo Imaamyada sida:

1- Imaam Al-shaafici 2- Imaam Abu Xaniifa 3- Imaam Maalik iyo Imaam Axmad Bin Xambal midkoodna ma sameen. Kuwa lagu ibtileeyey bidcada waxay leeyihiin Sheekh hebel ayaa fatwooday!! War ma kitaabkii Alle iyo sunnadii nabiga saw oo ina horyaal ayaa bidco aan daliil laheen la fatwoon karaa?? miyaanan Alle ka cabsaneen.Rasuulka saw wuxuu oran jiray:

(وَشَرُ الأمورِ مُحْدثاتها، وَكُلَ بِدْعَةٍ ضَلَالَةٍ)  رواه الإمام مسلم

Shar oo idil waa waxa diinta lagu soo derriyo, bidcoo idil waa baadi. Ummadda waxaan uga digeynaa bidcada lala wareegayo. In Alle iyo Nabigiisa la jeclaado waa in sunnada nabiga la raaco Ilaahey kor ahaaye wuxuu yiri:

(قُلْ إِن كُنتُمْ تُحِبُّونَ اللَّهَ فَاتَّبِعُونِي يُحْبِبْكُمُ اللَّهُ وَيَغْفِرْ لَكُمْ ذُنُوبَكُمْ وَاللَّهُ غَفُورٌ رَّحِيمٌ)

Waxaad nabiyow ku dhahdaa haddaad Alle jeceshihiin aniga I soo raaca, Allena waa idin jeclaan, dembigiinana waa dhaafi Alle waa dembi dhaaf badane.