Asbaabta keenta in salaadda laga tago

Posted on 05. Mar, 2010 by in Maqaalo

1: Shaydaan iyo adduun; labadani waa sababta ugu weyn ee qofka u diida salaadda iyo camalka wanaagsan, Ilaahayna kor ahaaye waa nooga digay shaydaan iyo adduun Alle wuxuu yiri:

(يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّ وَعْدَ اللَّهِ حَقٌّ فَلا تَغُرَّنَّكُمُ الْحَيَاةُ الدُّنْيَا وَلا يَغُرَّنَّكُم بِاللَّهِ الْغَرُورُ * إِنَّ الشَّيْطَانَ لَكُمْ عَدُوٌّ فَاتَّخِذُوهُ عَدُوًّا إِنَّمَا يَدْعُو حِزْبَهُ لِيَكُونُوا مِنْ أَصْحَابِ السَّعِيرِ) فاطر:5-6

Dadow yabooha Ilaahey waa xaq ee yeyna idin dhagrin nolosha addduunyo, yuuna idinku kedin Allaah dhagarbadane. Shaydaanku waa colkiin ee idinna col ka yeesha, wuxuu xisbigiisa ugu yeeraa uun iney kamid noqdaan kuwa geli naarta saciira.

Shaydaanka dadka qaarba waxbuu u qurxiyaa suu ooga fogeeyo diinta. Qaar wuxuu jecleysiiyaa adduun iyo xoolo taasoo uu kaga shuqliyay salaadda iyo camalka wanaagsan kuna xambaaray kibir iyo isla weyni. Qaar kalena wuxuu ku aafeeyey; ciyaar, heeso, filmaan, khamri, tuugo, iwm. Qaar kalena wuxuu ku aafeeeyay nacaybka diinta Islaamka iyo muslimiinta. Shaydaanka wuxuu fadhiyaa qalbadda suu qofka u waswaasiyo oo kheyrka ugu diido, wuxuuna dhex cararaa xididdada dhiigmareenka suu ugu xambaaro shar. Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

(يَا أَيُّهَا النَّاسُ كُلُواْ مِمَّا فِي الأَرْضِ حَلاَلاً طَيِّباً وَلاَ تَتَّبِعُواْ خُطُوَاتِ الشَّيْطَانِ إِنَّهُ لَكُمْ عَدُوٌّ مُّبِينٌ * إِنَّمَا يَأْمُرُكُمْ بِالسُّوءِ وَالْفَحْشَاء وَأَن تَقُولُواْ عَلَى اللَّهِ مَا لاَ تَعْلَمُونَ)البقرة:168-169

Dadow cuna waxa dhulka ku sugan kiisa fiican ee xalaasha ah, hana raacina wadooyinka shaydaanka illeen cadaw dhab ah buu idiin yahaye. Wuxuu idin faraa uun xumaan iyo macsiyo iyo inaad ku sheegtaan Ilaahey waxeydaan ogeyn.

2: Saaxiibka xun; saaxiibka xun wuxuu kaa shuqliyaa salaadda iyo kheyrka, Wuxuuna kuu horseedaa xumaanta, sidaa awgeed waxaa habboon inuu qofku raadsado saaxiib wanaagsan Nabiga naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha yeelee wuxuu ummaddiisa uga digay saaxiibka xun, w Ilaahey uxuuna ugu dardaarmay qof walba inuu la saaxiibo saaxiib wanaagsan wuxuuna yiri:

(إِنَّمَا مَثَلُ الْجَلِيسِ الصَّالِحِ وَالْجَلِيسِ السَّوْءِ كَحَامِلِ الْمِسْكِ وَنَافِخِ الْكِيرِ فَحَامِلُ الْمِسْكِ إِمَّا أَنْ يُحْذِيَكَ وَإِمَّا أَنْ تَبْتَاعَ مِنْهُ وَإِمَّا أَنْ تَجِدَ مِنْهُ رِيحًا طَيِّبَةً وَنَافِخُ الْكِيرِ إِمَّا أَنْ يُحْرِقَ ثِيَابَكَ وَإِمَّا أَنْ تَجِدَ رِيحًا خَبِيثَةً)متفقة عليه

Qofkii la saaxiiba qof wanaagsan wuxuu la mid yahay uun qof la saaxiibay nin miski (Catar udgoon) iibiya, markaa waa inuu ama wax kaa siiyo ama aad ka iibsato ama aad ka heshid udgoon wanagsan. Qofkiise la saasxiiba qof xun wuxuu la mid yahay uun qof la saaxiibay birotume buufimo haysta, markaa waa inuu ama dharka kaa gubaa ama aad ka heshid qiiq ur xun leh.

Waxaan shaki lahayn in saaxiibtinimada iyo derisnimaduba ay sabab u yihiin in dabciga wanaagsan iyo kan xunba la kala dhaxlo sida loo yiraahdo: Deriskaaga mar ku diin, marna ku dayo, marna ka darnaw.

3: Qaadka (Jaadka); wuxuu ka mid yahay asbaabta kalliftay in qofku salaadda ka tago, inkastoo ay jiraan dad qayila oo isla markaana tukada. Qofku markuu marqaansan yahay wey ku adag tahay inuu weyso qaatoo tukado, markuu qayilo kadibna wuxuu dareemaa daal, hurdo la’aan, fakar iyo walbahaar. Sidaa awgeed salaaddiisu kaamil ma aha. Qaadku waa maandooriye wuxuu waxyeelo u geystaa; maskaxda, jirka, ilkaha, diinta, anshaxa iyo nolosha qoyska. Shir cilmiyeedkii ku saabsanaa maandooriyaha (Mukhaadaraadka) ee lagu qabtay Madiinatul Munawarah sanadkii 1982. Waxay dhammaan culimada islaamka isku raaceen in qaadku ka mid yahay maandooriyaha iyo inuu xaaraan yahay. Qiyaamada waxaa qof kasta la weydiin, cimrigiisii iyo waqtigiisii wuxuu ku bixiyay cilmigiisii wuxuu ku falay, xoolihiisii meeshuu ka keenay iyo meeshuu ku bixiyay iyo jirkiisii wuxuu ku qabtay.