Salaadda yey ku waajibtaa?

Posted on 24. Feb, 2010 by in Maqaalo

Salaaddu waxay ku waajibtaa qof kasta oo muslim ah, caqli leh qaan gaarna ah. Diinta Islaamka waxay ku dhisan tahay shan tiir, Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Ilaahey korkiisa ha yeelee wuxuu yiri:

( بُنِيَ الإسلاَمُ عَلَى خَمْسٍ شَهَادَةِ أنْ لاَ إلَهَ إلاّ اللَهُ وَأنَّ مُحَمَداً رَسُوْلُ اللَهِ وَإقَمِ الصَلاةِ وَإيْتَاءِ الزَكَاةِ وَحَجِ البَيْتِ وَصَوْمِ رَمَضَانَ ) متفق عليه

Islaamka waxaa lagu dhisay shan tiir:

1-In laga markhaati kaco inuusan jirin ilaah xaq lagu caabudo Allaha koonka abuuray mooyee, Nabi Muxammadna waa Rasuulkii uu u soo diray dadka.

2-In la oogo salaada.

3-In sakada la bixiyo.

4-In la guto xajka.

5-In la soomo bisha barakeysan ee ramadaanka.

Waajibnimada salaadda waa la adkeeyay xilligeedana lagama dibmarin karo Allah kor ahaaye wuxuu yiri:

(فَإِذَا قَضَيْتُمُ الصَّلاَةَ فَاذْكُرُواْ اللَّهَ قِيَامًا وَقُعُودًا وَعَلَى جُنُوبِكُمْ فَإِذَا اطْمَأْنَنتُمْ فَأَقِيمُواْ الصَّلاَةَ إِنَّ الصَّلاَةَ كَانَتْ عَلَى الْمُؤْمِنِينَ كِتَابًا مَّوْقُوتًا) النساء: 103

Markaad gudataan salaadda xusa Eebe idinkoo taagan ama fadhiya ama jiifa markastoo aad xasishaan ood aamin noqotaan ooga salaadda, waayo salaaddu waxay mu’miniinta ku tahay xukun (Waajib) waqti go’an leh.