Qofka salaadda ka taga

Posted on 24. Feb, 2010 by in Maqaalo

Marnaba salaadda lagama tegi karo, markuu qofka caafimaad qabo iyo markuu jirran yahay, markuu hanti leeyahay iyo markuu sabool yahay, markuu xooggan yahay iyo markuu tabar daran yahay, intaba salaadda waa laga doonayaa waayo salaadda waa xiriirka u dhexeeya addoonka iyo rabbigii abuuray Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

(فَسّبِحْ بحَمْدِ رَبِكَ وَكُنْ مِنَ السَاجِدِيْنَ. وأعْبُدْ رَبَكَ حَتَى يَأتِيكَ اليَقِين) الحجر:98-99

Ku tasbiixso mahadda Rabbigaa ahawna kuwa sujuuda, caabudna Rabbigaa intey yaqiinta (Geerida) kaaga timaado.

Qofka salaadda ka taga xukumkiisu waa maxay?

Qofkii salaadda ka taga sabab la’aan diinta Islaamka dibadduu ka yahay. Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Ilaahey  korkiisa ha yeelee wuxuu yiri:

(بَيْنَ الرَجُلِ وَبينَ الكُفْرِ تَركُ الصَلَاة) أحمد ومسلم

Ninka iyo gaalnimo waxaa u dhexeeya isagoo salaadda ka taga. Nabiga naxriis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu kaloo yiri:

(العَهْدُ الَذيْ بَينَنا وَبينَهُم الصَلَاةُ فَمنْ تَركَهَا فَقدْ كَفَر) أحمد وأصحاب السنن

Ballanka noo dhexeeya innaga iyo gaalada waa salaadda, qofkii ka tagana waa gaal. Dhammaan asxaabta Nabiga Allaha ka raali noqdee waxay rumeysnaayeen in salaaddu tahay sheyga kaliyoo ka tegiddiisu lagu gaaloobayo!!

Maxaa dad badani shaydaan ku maaweeliyey inay salaadda oogi doonaan markay gaboobaan, nasiib darrose eeyan geeridu ku simin. Shaydaanku qofka wuxuu ugu sheekeeyaa: Waxaad salaadda bilaabi doontaa berri ama laba cisho ka dib ama seddex am toddobaad, markuu intaas ku hubsado ayuu ku yiraahdaa: Waxaad salaadda bilaabi doontaa bil ka dib ama laba bilood ama seddex ama sannad ilaa uu ka geeriyoodo.

Maxaase in badan oo islaam sheegata maanta ay salaadda dayaceen, diintana ka tageen iyagoo moodi iney quman yhiin!!

Shaydaanka wuxuu dadka qaar ka mid ah ugu sheekeeyaa; salaad la tukado iyo masaajid la aado inay yihiin waqti dhumis. Alle kor ahaaye wuxuu u ballan qaaday kuwa sheydaanku duufsaday ee salaadda ka tagey aakhirada inuu cadaabayo, wuxuuna yiri:

(مَا سَلَكَكُمْ فِي سَقَر قاَلُوا لَمْ نَكُ مِنَ المُصَلِينَ) المدثر: 42ـ 43

Ehlu janno ayaa su’aali kuwa naarta galay iyagoo ku dhihi: Maxaa idin galiyey naarta? Markaasay ugu jawaabi ka mid ma aynaan ahayn kuwa tukada.

Ilaahay kor ahaaye markuu amaanay nabiyadii horreeyey iyo faracoodii wanaagsanaa ee loogu nimceeyey diinta iyo salaadda ayuu Ilaahey dhaleeceeyey kuwii ka dambeeyay ee dayacay salaadda sidaa awgeed ilaahey wuxuu yiri:

(فَخَلَفَ مِن بَعْدِهِمْ خَلْفٌ أَضَاعُوا الصَّلاةَ وَاتَّبَعُوا الشَّهَوَاتِ فَسَوْفَ يَلْقَوْنَ غَيًّا * إِلاَّ مَن تَابَ وَآمَنَ وَعَمِلَ صَالِحًا فَأُوْلَئِكَ يَدْخُلُونَ الْجَنَّةَ وَلا يُظْلَمُونَ شَيْئًا)مريم:59- 60

Waxaase ka gadaal yimi farac xun oo dayacay salaadda, raacayna waxay naftoodu jeceshahay oo xun waxeyna la kulmi shar (aakharada) laakiin ciddii toobad keentoo Alle rumeysa camal fiicanna fasha kuwaasi waxay geli jannada lagamana dulmiyo waxba. War hooy u darbada salaadda oo Alle ka cabsada, garta oo jeclaada rabigii idin abuuray ee idiin yeelay qaab iyo suurad wanaagsan, idinkana duway xoolaha iyo dugaagga duur joogta ah. Alle kor ahaaye wuxuu noogu nimceeyay nimcooyin farabadan oo aanan la koobi karayn haddiise aan tilmaano mid ka mid ah Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

(يَا أَيُّهَا الإِنسَانُ مَا غَرَّكَ بِرَبِّكَ الْكَرِيمِ * الَّذِي خَلَقَكَ فَسَوَّاكَ فَعَدَلَكَ * فِي أَيِّ صُورَةٍ مَّا شَاء رَكَّبَكَ)الإنفطار:6-8

Dadow maxaa kugu kadiyey Eebahaaga sharafta leh! Ee ah kii ku abuuray, kuna ekeeyey, kuna simay qaabkuu doonana kuu sameeyey. Haddaba addoonkii salaadda ooga, camal wanaagsanna ku camal fala, Ilaaheyna adeeca addoonkaasi wuxuu mudan adduunka nolol wanaagsan, aakhirana janno. Addoonkiise iskibriya, xaqana ka madaxtaaga, kaasi wuxuu mudan adduunka nolol ciriiri ah, aakhirana cadaab. Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

(وَمَنْ أَعْرَضَ عَن ذِكْرِي فَإِنَّ لَهُ مَعِيشَةً ضَنكًا وَنَحْشُرُهُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ أَعْمَى*) قَالَ رَبِّ لِمَ حَشَرْتَنِي أَعْمَى وَقَدْ كُنتُ بَصِيرًا * قَالَ كَذَلِكَ أَتَتْكَ آيَاتُنَا فَنَسِيتَهَا وَكَذَلِكَ الْيَوْمَ تُنسَى * وَكَذَلِكَ نَجْزِي مَنْ أَسْرَفَ وَلَمْ يُؤْمِن بِآيَاتِ رَبِّهِ وَلَعَذَابُ الآخِرَةِ أَشَدُّ وَأَبْقَى) طه:24-27

Qofkii ka jeedsada xuskeyga (Diinta Islaamka) waxaa u sugnaaday nolol ciriiri ah (xagga nafsadda) waxaana soo kulminaa maalinta qiyaame isagoo indha la’ markaasuu dhihi: Ilaahow maxaad iisoo kulmisay anigoo indha la’ anigoo adduunka arke ahaa? Alle wuxuu dhihi; sidaasoo kale ayey aayaadkannaga kuugu yimaadeen waadna halmaantay, saasaana maanta laguu halmaami. Sidaasoo kalena waan ku abaal marinaa cidii xad gudubta oon rumeyn aayaadka rabbigii cadaabka aakhiraana daran oo waaritaan dheer.