Masaajidka

Posted on 24. Feb, 2010 by in Maqaalo

Doorka masaajidka ku leeyahay Islaamka waa mid aad u weyn, waayo wuxuu kulmiyaa muslimiinta oo idil si ay ugu cibaadeystaan uguna tukadaan salaadda jamaca, taasoo ka fadli badan midda keli kelida loo tukado Nabiguna naxariis iyo nabad gelyo  Ilaahey korkiisa ha yeelee wuxuu yiri:

(صَلاةُ الجَمَاعَةِ أفْضَلُ مِنْ صَلاةِ الفَذِ بِسَبْعٍ وَعِشرِينَ دَرَجَة)متفق عليه

Salaadda jamaca (Wadajirka) loo tukada waxay ka fadli badan tahay midda keli keli loo tukado todobo iyo labatan martabadood.

Muslimiinta waxey ku kulmaan masaajidka si ay ugu cibaadeystaan, halkaasoy isku salaamaan kuna kala war qaataan, markaasey kii dhibbanna u gargaaraan kii jirranna soo booqdaan. Masaajidka waa meesha diinta Islaamka laga fidiyo. Sidaa awgeed waxaa habboon in qofku ku xirnaado masaajidka suu u helo faa’iido-oyinkaas siiba barashada diinta waayo qofka muslimka ahi waxaa ku waajibay inuu diinta barto si uu u kala garto xalaasha, xaaraanta, sunnada, bidcada, xaqa, iyo baadilka. Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Ilaahey  korkiisa ha yeelee wuxuu yiri:

( مَنْ يُرِدِ اللَهُ بِهِ خَيْراً يُفَقِهْهُ فِيْ الدِيْنِ ) متفق عليه

Qofkuu Alle khayr la doono diintuu fahamsiiyaa. Waxaa hubaal ah in qofka diinta barta uu Alle si dhab ah uga cabsado waayo wuxuu kala garanayaa waxa la faray iyo waxa laga reebay Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

(إنَمَا يَخْشَى اللَه مِنْ عِباَدِهِ العُلَمَاءُ) فاطر: 28

Addoomada sida dhabta ah Alle uga cabsata waa culmada diinta baratay. Bilowgii Islaamka masaajidka wuxuu ahaa meesha arrimaha muslimiinta laga maamulo. Markuu qofka u socdo masaajidka ajar badan baa loo qoraa dambigiisana waa la dhaafaa, Alle wuxuu ku tilmaamey kuwa masaajidka camira mu’miniin:

( إنَمَا يَعْمُرُ مَسَاجِدَ اللَهِ مَنْ آمَنَ بِاللَهِ واليَوْمِ الآخِرِ وأَقَامَ وآتَى الزَكَاةَ وَلَمْ يَخْشَ إلاّ اللَهَ فَعَسَى أولَئِكَ أَنْ يَكُونُو مِنَ المُهُتَدِيْن) التوبة:18

Waxaa uun camira masaajidda cid rumeysay Ilaahey  iyo maalinta qiyaame, salaaddana ooga, sakadana bixiya kuwaasoon ka cabsaneyn cidaan Eebe aheyn, waxayna u dhaw yihiin kuwaasi inay ka mid noqdaan kuwa hanuunsan

Haddaba waxaa habboon in qofka muslimka ahi qalbigiisu ku xirnaado masaajidka had iyo jeer, Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Ilaahey korkiisa ha yeelee wuxuu yiri:

(إذَا رَأَيْتُمْ الرَجُلَ يَعْتَادُ المَسْجِدَ فاشْهَدُوْا لَهُ بِالإِيْمَانِ قَالَاللَهُ عَزَ وَجَلَ: إنَمَا يَعْمُرُ مَسَاجِدَ اللَهِ مَنْ آمَنَ بِاللَهِ وَاليَومِ الآخِرِ ) رواه الترمذي

Haddad aragtaan nin ka caada yeeshay imaatinka masaajidka uga markhaati kaca inuu mu’min yahay. Waayo Allaha weyn ee awoodda leh wuxuu yiri: Waxaa uun camira masaajidda cid Ilaahey rumeysay iyo maalinta qiyaame. Sidaa awgeed markuu Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Ilaahey korkiisa ha yeelee yimi madiina intuusan wax kale qaban ayuu masaajid dhisay isagoo marti ku ah saxaabiga Abuu ayuub Al-Ansaari Allaha ka raali noqdee.

Masaajidda qiimi weyn ayey u leeyihiin diinteenna iyo musslimiintaba waayo waa meesha lagu cibaadeysto Allena lagu xuso habeen iyo maalin Ilaahey kor ahaaye wuxuu yiri:

(فِي بُيُوتٍ أَذِنَ اللَّهُ أَن تُرْفَعَ وَيُذْكَرَ فِيهَا اسْمُهُ يُسَبِّحُ لَهُ فِيهَا بِالْغُدُوِّ وَالآصَالِ *رِجَالٌ لاَّ تُلْهِيهِمْ تِجَارَةٌ وَلا بَيْعٌ عَن ذِكْرِ اللَّهِ وَإِقَامِ الصَّلاةِ وَإِيتَاء الزَّكَاةِ يَخَافُونَ يَوْمًا تَتَقَلَّبُ فِيهِ الْقُلُوبُ وَالأَبْصَارُ) النور:36-37

Masaajidda waa guryo Ilaahey idmay in la kor yeelo laguna xusa dhexdeeda magaciisa, waxaana ugu tasbiixsada dhexdeeda  aroor iyo galabba Rag ayna ka shuqlinayn ganacsi iyo gadasho xuska Ilaahey iyo oogidda salaadda iyo bixinta sakada iyagoo ka cabsan maalinay quluubtu iyo aragguba gadgaddo-omayaan (Qiyaamaha).