Maalinta jimcaha

Posted on 24. Feb, 2010 by in Maqaalo

Jimcaha waa maalin fadli badan waayo waa ciidda muslimiinta, waa maalin ay muslimiintu ku kulmaan masaajidka iyagoo ka kala yimi meelo kala fog si ay u dhagaystaan xuska Alle iyo wacdiga Imaamka.

Qofka muslimka ah haduusan dhageysan wacdi muddo dheer qalbigaa mirira marka xigana ka awdma kheyrka, Nabiga naxariis iyo nabad gelyo  Ilaahey orkiisa ha yeelee wuxuu yiri:

(لَيَنْتَهِيَنَّ أَقْوَامٌ عَنْ وَدْعِهِمْ الْجُمُعَاتِ أَوْ لَيَخْتِمَنَّ اللَّهُ عَلَى قُلُوبِهِمْ ثُمَّ لَيَكُونُنَّ مِنْ الْغَافِلِينَ) رواه مسلم

Ragga haddii eeyan ka joogin ka tegidda ay ka tegeyaan salaadaha jimcooyinka Ilaahay wuxuu ka dabooli doonaa quluubta kadibna waxay noqonayaan kuwo kheyrka hilmaansan.

Jimcadu waxay ka mid tahay xilliyada samadu furan tahay oo hadduu addoonku ducaysto Ilaahay kor ahaaye ka aqbalayo ducada Nabiga naxariis iyo nabad gelyo  Ilaahey korkiisa ha yeelee wuxuu yiri:

(خَيْرُ يَوْمٍ طَلَعَتْ فِيهِ الشَّمْسُ يَوْمُ الْجُمُعَةِ فِيهِ خُلِقَ آدَمُ وَفِيهِ أُدْخِلَ الْجَنَّةَ وَفِيهِ أُخْرِجَ مِنْهَا وَلَا تَقُومُ السَّاعَةُ إِلَّا فِي يَوْمِ الْجُمُعَةِ) رواه الترمذي

Maalin ay qorraxi usoo baxdo waxaa u kheyr badan maalinta jimce, waayo waa maalintii la abuuray nabi Aadam, waana maalinta jannada la geliyay, waana maalintii xageeda laga soo bixiyay, qiyaamaduna dhici mayso maalinaan jimco aheyn. Sidaa awgeed Alle kor ahaaye wuxuu noo dardaarmay in loo degdego salaadda jimce marka laysugu yeero wuxuuna yiri:

(يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِذَا نُودِي لِلصَّلاةِ مِن يَوْمِ الْجُمُعَةِ فَاسْعَوْا إِلَى ذِكْرِ اللَّهِ وَذَرُوا الْبَيْعَ ذَلِكُمْ خَيْرٌ لَّكُمْ إِن كُنتُمْ تَعْلَمُونَ)الجمعة: 9

Kuwa Alle iyo xaqa rumeeyow marka la adimo salaadda jimce u degdega xuska Alle kana taga wax kala iibsiga saasaana idiin kheyr roon haddaad tihiin kuwo wax garanaya.

Haddaba waxaa habboon in loo darbado jimcaha oo qofka muslimka ah uu qubeysto oo weyso qaato, Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Ilaahey korkiisa ha yeelee wuxuu yiri:

(عَلَى كُلِ مُسْلِمٍ الغُسْلُ يومَ الجُمْعَةِ ويَلْبَس مِنْ صَالِحِ ثِيَابِهِ وَإنْ كانَ لهُ طِيْبٌ مَسَ مِنْهُ ) الشيخان وأحمد

Qof kasta oo muslim ah waxaa ku waajibay inuu qubeysto maalinta jimcaha iyo inuu ku labisto dharkiisa kuwa ugu wanaagsan, iyo inuu iscarfiyo hadduu heli karo.

Maadaama jimcaha loogu talagalay in dadka la wacdiyo lana waaniyo waxaa waajib ah in la dhageysto khudbada imaamka, mana banaana in la hadlo ama la buuqo intey khudbadu socoto nabiga naxariis iyo nabad gelyo Ilaahey korkiisa ha yeelee wuxuu yiri:

(إذَا  قُلتَ لِصَاحِبِكَ يَومَ الجُمْعَةِ وَالإمَامُ يَخْطُبُ أنْصِتْ فَقَد لَغوتَ) رواه الجماعة إلا ابنُ ماجه

Jimcaha markuu Imaamka khudbeynayo, haddaad saaxiibkaa ku tiraahdo: aamus! hadalkaagu waa mid micno darro ah.

Hadduuse qof qaldamo oo uu hadlo ama buuqo waxaa waajib ah in laga aamuso intey khudbadu socoto kadibna si xigmad leh loogu sheego.