Cibaadada

Posted on 16. Dec, 2009 by in Maqaalo

Mahad oo idil  Ilaahey baa leh, naxariis iyo nabad gelyona Ilaahey Nabi  Muxammad korkiisa ha yeelo, intaas ka dib; Ilaahay kor ahaaye isaga oo keliya ayaa adduunka abuuray: Cirka, dhulka, qorraxda, dayaxa, geedaha iyo xooluhuba waxay ka mid yihiin uunka Alle. Ilaahey kor ahaaye si gaar ah ayuu dadka u abuuray oo wuu ka dway xoolaha iyo dugaagga duur joogta ah, wuxuuna u yeelay qaab iyo muuqaal wanaagsan, intaa waxaa dheer inuu ka yeelay mid caqli iyo cilmiba leh. Maxaa dadka loo abuuray? Ilaahay wuxuu dadka u uumay inay keligii caabudaan Alle kor ahaaye wuxuu yiri.

( وَمَا خَلَقْتُ الْجِنَّ وَالْإِنسَ إِلاَّ لِيَعْبُدُونِ ) الداريات: 56

Jinni iyo insi waxaan cibaadadayda ahayn uma uumin. Waa maxay Cibaadadu? Cibaadadu waa fal kasta oo Ilaahey loogu dhawaado, Ilaaheyna  jecel yahay kaasoo daliilkiisu ku sugan yahay Qur’aanka iyo Sunnada Nabiga sida; Salaada, Soonka, Sakada, iyo Xajka.

Dad fara badan ayaa Ilaahey ku gaaloobay weyna beeniyeen ama diintiisey diideen iyagoo caabudi qaar ka mid ah uunka Alle sida; Sanamka, Dhagaxa, Dabka, Biyaha, Geedaha, Jinniga, Insiga, Qorraxda, Dayaxa iwm. Alle kor ahaaye wuxuu u ballan qaaday gaalada iyo waxay caabudeen inuu naarta ku shidi qiyaamada wuxuuna yiri:

( إِنَّكُمْ وَمَا تَعْبُدُونَ مِن دُونِ اللَّهِ حَصَبُ جَهَنَّمَ أَنتُمْ لَهَا وَارِدُونَ )الأنبياء: 98

Idinka iyo waxaad caabudaysaan oo Ilaahey ka soo haray waxaydin noqon shidaalka jahannamo idinkuna waad ku arooreysaan. Gaalnimadu waa dambiga ugu weyn Alle horti, Cabdullahi bin mascuud Allaha ka raali noqdee wuxuu weydiiyey dambigee ugu weyn? Markaasuu yiri naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee:

(أنْ تَجْعَلَ للهِ نِدًا َوهُوَ خَلقَكَ) متفق عليه

Inaad Alle u shariig yeesho isagoo keligii ku uumay. Marar badan isagoon qofku ujeedin inuu Ilaahey ku gaaloobo ayey dhacdaa inuu Alle ka dheeraado ama ku gaaloobo tusaale; hadduu qofku jeclaado adduun iyo xoolo iyo caruur iskana halmaamo Alle iyo diintiisa iyo cibaadadiisa.

Haddaba waxaa habboon in qofka muslimka ah uu jeclaado Allihii uumay uguna nimceeyay nimcooyin fara badan iyo diintiisa iyo nabigiisa kana digtoonaado gaalnimo, Anas Allaha ka raali noqdee wuxuu ka weriyay Nabiga naxariis iyo nabad gelyo  Ilaahey korkiisa ha yeelee inuu yiri:

(ثَلاَثٌ مَنْ كُنَّ فِيْهِ وَجَدَ حَلاَوَةَ الإِيْمَانِ أَنْ يَكُونَ اللَهُ وَرَشُوْلُهُ أَحَبَّ إلَيْهِ مِمَا سِوَاهُمَا وَأَنْ يُحِبَّ الْمَرْءَ لاَ يُحِبُّهُ إلاَ لِلَهِ وَأَنْ يَكْرَهَ أَنْ يَعُودَ فِيْ الْكُفْرِ كَمَا يَكْرَهُ أَنْ يُقْذَفَ فِيْ الْنَّارِ )متفق عليه

Saddex sifadood qofkii laga helo wuxuu dareemaa macaanka iimaanka; 1: Inuu cid walba ka jeclaado Ilaahey iyo Rasuulkiisa. 2: Inuu qofkuu jeclaanayo Alle oo keliya dartii u jeclaado. 3: Inuu naco inuu gaaloobo ka dib markii Alle ka badbaadiyey gaalnimo siduu u neceb yahay oo kale in naarta lagu tuuro.