Cawaaqib Xumada Diin Cayga

Posted on 03. Nov, 2009 by in Maqaalo

الحمدُ لله رب العالمين والصلاةُ والسلامُ على رسول الله وعلى آله وصحبه أجمعين.. وبعد:

Bayaankaan wuxuu ku saabsan yahay arrimo khatar ah oo dad badani ay sameeyaan iyagoon ka fiirsan oo aan garanayn dambiga ay leedahay iyo waxa ka laazimaya.Haddaba qofkii aflagaadeeya ama caaya Allaah, Ayaadkiisa (Quraanka) ama  Rasuulka (s.c.w) xukumkiisu muxuu noqon Islaamka ? Qofkii caaya Allaah Subxaanahu Watacaalaa, Aayaadkiisa (Quraanka) ama Rasuulka  (s.c.w) xukumkiisu waa:  Gaal, diinta Islaamka wuu ka baxay.

Waxaa in badan dhacda  isagoon qofku u jeedin diin nacayb ama diin ka bax toonna in haddana uu diinta si fudud uga baxo arrinkaasoo aad u batay waayadaan dambe, waayo markii ay qof isku xanaaqaamba wuxuu oran: Diintaada ……. ama Rasuulkaaga……… ismana oga inuu diinta ka baxay! Mana oga in naagtu ka furantay! Arrintaan iyo arrimo kaleba waxay ummadda u horseedeen burbur iyo baaba’  iyo fitan aan dhammaaneen.

Maxaa u daliil ah in qofkii diinta caaya uu diinta ka baxay? Waxaa u daliil ah in rag  munaafiqiin ah ay ku jeesjeeseen Rasuulka (s.c.w) iyo Saxaabadiisa (r.c) markii ay u socdeen gazwada (jihaadkii) Tabuuk markaa ayey munaafiqiintu ka sheekeeyeen Rasuulka iyo Saxaabadiisa waxayna ku tuhmeen inay yihiin: Fulayo–Beenlowyo–Calooshood u shaqeestayaal  iyo wax la mid ah, markaa ayuu Ilaahey Subxaanahu Watacaalaa isla markiiba Aayaadkiisa ku soo dejiyay Rasuulka (s.c.w)  wuxuuna yiri:

(وَلَئِن سَأَلْتَهُمْ لَيَقُولُنَّ إِنَّمَا كُنَّا نَخُوضُ وَنَلْعَبُ قُلْ أَبِاللّهِ وَآيَاتِهِ وَرَسُولِهِ كُنتُمْ تَسْتَهْزِؤُونَ 65 لاَ تَعْتَذِرُواْ قَدْ كَفَرْتُم بَعْدَ إِيمَانِكُمْ إِن نَّعْفُ عَن طَآئِفَةٍ مِّنكُمْ نُعَذِّبْ طَآئِفَةً بِأَنَّهُمْ كَانُواْ مُجْرِمِينَ 66 ) التوبة

Haddaad warsato arrinka dhacay waxay oran: Waan ciyaaraynay oo hadalka ayaan iska dhex tiimbanaynay ee Nabiyow waxaad dhahdaa: Ma Allaah iyo Aayaadkiisa iyo Rasuulkiisaad ku jeesjeesayseen?* Ha cudurdaaranina waad gaalowdeen iimaan ka dib , haddaan cafino koox idin ka mid ah waxaan cadaabeynaa koox illeen iyagu waa dambiilayaale (mujrimiin).

Qofkii arrinkaasoo kale ku dhacay waxaa u furan inuu Allaah u towbad keenoo arrinkaasina uusan ku noqon mar kale. Waxaa hubaal ah ineeyan arrintaan ka suurogelin dadka mu’miniinta ah ee garanaya Allaahu Subxaanahu Watacaalaa qaddarkiisa iyo awooddiisa. Allaahu Subxaanahu Watacaalaa  waa dulbadane waayo dadka  sidaa u aflagaadeynaya ayuu u nicmeeyaa habeen iyo maalin. Markii ay gaalada Ilaahey ku sheegeen inuu ilmo leeyahay ayey  samooyinka  ku sigteen inay dildilaacaan, dhulkuna kala dillaaco, buuruhuna burburaan Allaahu Subxaanahu Watacaalaa wuxuu yiri:

(تَكَادُ السَّمَاوَاتُ يَتَفَطَّرْنَ مِنْهُ وَتَنشَقُّ الْأَرْضُ وَتَخِرُّ الْجِبَالُ هَدًّا 90 أَن دَعَوْا لِلرَّحْمَنِ وَلَدًا 91 وَمَا يَنبَغِي لِلرَّحْمَنِ أَن يَتَّخِذَ وَلَدًا 92 إِن كُلُّ مَن فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ إِلَّا آتِي الرَّحْمَنِ عَبْدًا 93 ) مريم

Samooyinka waxay u dhawyihiin inay dildillaacaan dhulkuna kala dillaaco buuruhuna ay la hoobtaan burbur inay gaaladu sheegeen in Allaha Raxmaanka ah ilmo leeyahay*Kumana habboona in Allaha Raxmaanka ah ilmo yeesho* Waxa ku sugan samooyinka iyo dhulkoo  idil waxay u imaan Allaha Raxmaanka ah  iyagoo addoomo u ah.

قَالَ رَسُولُ اللَهِ صَلَى اللَهُ عَلَيهِ وَسَلَم ( لاَ أَحَدَ أَصْبَرُ عَلَى أَذَى سَمِعَهُ مِنَ اللَهِ يَجْعَلُونَ لَهُ وَلَداً وَهُوَ يَرْزُقَهُمْ وَيُعَافِيْهِمْ) البُخاريُ

Rasuulka Alle (s.c.w) wuxuu yiri: Ma jirto cid Allaah ka sabar (samir) badan maxaa yeelay waxay u yeelayaan wiil asagana wuu risaaqaa wuuna caafiyaa.Haddii Allaah ay aflagaaddo ku tahay ilmo ayuu leeyahay, haddaba cayda tooska ah ee daatadiisa loola jeedo ama diintiisa maxay noqon??!!

Waxaan ummadda uga digeynaa inay iska ilaaliyaan: In  Allaah la  aflagaadeeyo ama Rasuulkiisa ama Diintiisa, ciddii samaysa arrinkaana la waaniyo hadday waantoobayaan, haddii kalena laga beri-noqdo oo laga fogaado.